Dhalinyarada iyo Haweenka Reer Awdal iyo Salalba Haka Daayaan Siyaasiyiintu iyo Odayaashuba Dhaliilaha aan loo Meel Dayin iyo Cabudhinta ay ku hayaan inta ugu itaalka yar Bulshada, loogamana Baahna deg deg u libaaxaynta ay ku soo shaac baxayaan Ciyaalka la midka ah kuwa ay dhaleen iyo Haweenka hooyoyinka ah ee waliba ay Madaxnimada u sheeganayaan.
Waxana haboon mar walba inay Jawaab ka bixiyaan meesha Dhigoodu ka hadlo ee ma ahayn iyagoo Masuulnimo sheeganaya inay cadho cid kale u qabaan kula dul dhacaan maatida iyo ubaxa bulshoweynta Reer Adal, Maxa u diidey inay hadlaan marka ay murgaan xaaladaha siyaasadeed ee gobelkeenu ,maxa u diidey si isku mid ah aan xaqeena u doonano ,inoona hadlaan iyago mid ah marka aan u baahano,
Miyaanay aniga wasiira daa Maanta ee yaanla hadlinta aanay ka qurux badnayn in sida beesha dhexe oo kale Jilibkastiba mid iyo laboba helo kuna doodaan kana tashadaan taasi sidii ay u dhici lahayd inta aan mid iyo labo wasiir oo kaliya ila qiyaamaha Gadabuursiyo dhani isku haysto ,ma Jilibyada isaaq ayaan ka liidana ee labobo iyo saddexba haysta waa inay sido kale Jilibyada Gadabursina mid iyo laboba doontaan kuna doodaan iyagoo isku cod ah ,jilib walbana xaqiisa rabo.
Mise Masuuliyiintan,Askarta booliska Boorama, Milatariga,Aqoonyahanka,Ganacsadata,Siyaasiyiinta,Culumaa’udiinka iyo inta Madaxnimada u sheeganaysa dhaliyarada iyo haweenka reer awdal iyo salalba ee awaamirta kala duwan u yeedhinaysa maalin walba sida aamusa, yaanla isdhaqaajin , ma ahayn in sidan la sameeyo, ma qabsan kartiin Koobka kubada Cagta,ma mudaharaadi kartiin,waxba ma diidi kartiin, waxna ma dooran kartiin,isma difaaci kartiin,dhulkiina ma ridan kartiin,waxba ma qori kartiin,nama dhaliili kartiin,waxba nooma sheegan kartiin,anaga la’aanto wax kasta oo aad qabsataan waan idinka masixi doonna amba waan idin habaarayna,xaaraan weeyi waxaasi,waan ku xidhi,hebel ayaan kula socon,waxba ma hayno,lacagba loo baahanyahay,rag baan jirin,iyo nabadda wax kaste ka weyn iyo kalmado kale oo la mid ah ku quudiyanaya ubaxooda dhammaantood dadkani waxay la mid yihiin kuwii uu sheegay ninkii shaacirka aha ee carabkii isagoo leh
‘ Asaddun Calayya, Wa Fil Xuruubi Nacaamatun’ ‘ Aniga markayga waa libaax, marka dagaal yimaadana waa goronyo’
isagoo u jeeday markaasi ciidanka wadankiisu sida ay ula dhaqmi jireen haweenka iyo dadka inta ugu itaalka yar oo libaaxyo ay iska dhigaan marka dagaal cadawga lala galana ma difaacaan rayidka, madaxana wey foorariyaan , shacabkoodana guul daro ayay bidaan.
Waxan ugu socda Xigmadani carabiga ah een soo qaatay:
dadkeenu iyo masuuliyiinteenuba oo dhani nooc walba ahaadaane ma waxay ka adag yihiin oo libaaxyo iskaga dhigaan kaliya dadkooda siiba dhaliNyarada ,ciyaalka,haweenka,hooyoyinka, masaakinta, iyo inta ugu itaal yar bulshadooda laakinse marka arrimuhu murgaan ee loo baahdo rag fur fura oo xaqa iyo cadka dadkani soo dhiciya ciday dooniba ahaate, Maxey usii muquurtaan? oo furaashka u hoos galaan oo waliba qofkii hadlana afka u goostaan ma libaaxyo maatidooda uun cuna kana adagba?
Su’aashan jawaabteda waxan u dhaafaya akhristaayaasha sharafta leh ……..
Camuudnews T.S & Senior Editor
Msamaron Robleh Hassan
UK Office
Tirada Dad ee Akhriday:290








S.c
Horta Fikradaadu ma xuma laakinse Suldaanku wuu Saxsan yahay waxkastana waxay leeyihiin nidaam loo marro nidaamkaas oo ah inaad kala hadasho haddi laga diido marka waxkasta baa ku banaan inaad samayso.
Adiga iyo kuwa Mudaharaadayaa waxaad tihin dad aan fahmin waxa reer Awdal ka maqan
Reer Awdal Xil doon maaha ee waa Xaqdoon adiga iyo intaa Mudaharaadaysana waxaad tihin Xil doon..
Haddii Hal wasiir lagugu daro miyaad ku qancaysa?..
Sxb maxamooow nin Meel dheer wax ka arkayaad tahay sxb , oday ma lihin dad na hogaamiye ma lihin dad mutacalimoonoo na hor kaca ma lihin , waxa dalku sugayo wa shabaabkaas iyo hooyoyinkaas ka damqanaya waxa jira , badasaabka bbc wa ka dhagaystay wuxuu lahaa oo xitaa gabadhii bbc ayaaba na dufaacaysay oo u sheegaysay waxa inaga maqan iyo inay dadkan muwaadiniin yihiin, suldaan habar cafaanka wa dhagaytay shalay isna oo leh dadkan mudaharaadayey waa caruur waxba ogayn cajiib xaqii inaga maqnaanan iska idha tiray , saadkii ucidna waad maqlaysay somaliland wa muqadas mudaharaadkana hala joojo , walaahi bilaahi nin samaroon dhiig leh ciil ayuu u bakhtiyayaaa , waana wax laga yaxyax soodo waxay arkayaan shabaabka awdal iyo hooyoyinka awdal ee siyaasiyeenteeni dhagaha u dhigi la , waxaan odhan lahaa time keenii waa soo socdaa insha alaaah ,,, laakiin meesha dad kuma hayno ee inagaa wadanka ku noqon
waaryaa xishoo waa ninka haaruun isku shegaya, . ninka raga fikrikiisa xor ayuu y yahay ta kale dee maad markii inamdiinu joogen ee dariiqan inoo jeexeyeen ma waxad moodayseen in aad waligiin haysanayaan madaxweynaha iyo ku xigeenku. idinku is cananta. cidii wadan jeexday waydiiya, ee qaaday cadhqoodheedka.
walaal anigu hal talo ah ayaan jaclaa in aan yiraahdo kaasi oo ah in madaxda la ixtiramo ahmed mumin seed hadii dhaliilayana la sheeko dhaliishiisa si aan lahayn turxaaan
axmed sxb qadiyad yaroo foolxun ayaa ku haysa amase ku yaroon wax fahmayn ayaad tahay , danta somaliland waxa ka horaysa danta samaroon markaas jooji waxaad wadid anigu samaroon oo dhan ayaan dhaliilay ee qof gooni ah maan daliilin ee bal haka dhicin salaamada mise waxaad tahay basaas fadhi ku dirara mise waxaad tahay caade qaate , sxb rayigaaga dhiibo rayiga dadka kale wax haka sheegin
aan ku waydiiyee haruunoow adiguba waayo arag ahoow, malintii ina awcali uu ino dooray 3da wasiir xagee ayay jireen dadkan hada mudaharadayaa, maalintiise daahir rayaale 50 wasir isaaq siiyay muxuu xataa hal wasiir inoogu dari waayay gadabuursi ahan, halka isaaq jilib jilib u haysto wasiiro. labadaas suaalood markaad ka jawaabto ood si cilmiyaysan uga jwaabtid ayaad ku doodiwaxa kale. oday siilaanyo dee labdaas suaalood ayuu kuu hayaa, ee ma jid cusub ama history cusub ayuu kuu jeexi, markay bananyd ayay ahayd in lag ahadlo.
qofku waa inoo gartiisa qaato. 8 yrs ayaad xukunka haysay, ee ilowsho dhawidaa ma umul baad tahay. ceeb ayaad inoo soo jiideen, intiina mudahaarka taageersani. waayo ma joogno maanta maalin la mudaharaado. abaalna ma lihin oo isaaq 8 yrs ayay inoo dhiibeen xukunka wxayna arinknna laf jab ku tahay madaxwyne rayaale sharaftisii waayo dadkiisii ayaa within 3days waxaas ku sameeyay.
waxna lagama qaban karo ee sharaftii uunbaa inaga qadeen. waana saamigi aynu ku lahayn 20yrs somalailand.
Walaal akhriyaa
walaal gadabuursi dhibaatadiisa koobaad waa NABADA
ilaa iyo qoormaa NABAD ilaalinaa
wore baa noo yidhi gadabuursi NABAD wax kaga qaata ee dagaal wax kaga qaadi meeysiin
dhulkeeni NABAD beey ku qaateen ama ku sheegtaan ( saylac iyo gabiley )
kuraas teeni NABAD beey ku qaateen
dhiigeeni NABAD beey ku dadsheen oo uu ku maqan yahay
suldaan nadeeyni NABAD beey ku laalushaan oo nagu hor joogaan
GADABUURSI = FALASTIIN
IINTA AAYNU NABAD ILAALINEEYNO GUULI NAGA DHEER
INTA AAYNU NABAD ILAALINEEYNO BAA GADABUURSI LA DULEEYSTEY
SIDAA IYO (( NABAD ))