maansadani waxaa curiyey Abwaan Maxamed Cismaan Budin, oo shucuurtiisa siyaasadeed kala qayb-qaadanaya dadwaynaha reer Awdal. fariin dheerna u diraya Madaxweynaha Cusub bal inuu wax garwaaqsado iyo in kale, waatan maansadii ee akhris wacan.
Wayahey waa qaylo dhaan
Qac iyo waa lama filaan
Qisiyo waa tacab khasaar
Qamuunyiyo waa wax daran
Umuur weeyaan qalaad
Qabruu galay maamulkii
Dastuurkiiba qatalan
Xilba iga quusta yidhi
Qiyaastu siday ahayd
Qun hore waa kii dhintee
Qabiilbaa soo if baxay
Mudaanu is qalan jirnee
Haddu nabarkii qalalay
Wixii isku keen qatalay
Qalfoofkeedii magool
Qajeel inkastoon ahayn
Dad maamul qorshaystayoo
Qal iyo diir wada ahaa
Muduu nagu qaylyayee
Markii codka loogu qubay
Wakaa qoqobaad wade
Wuxuu qalbigii ka diday
Jacduu qodoxyaale dhigay
Damiirku hadduu qalalo
Talaa umad qaalibtee
Misana qodin buu wataa
Qudhaanjo ka sii ildaran
Ninkani usha noo qabtow
Adoo mala kala qufulan
Ayaad xilka kala qaybsee
Waxad qooraansidaa
Sidaad wax u soo qortoo
Hadaan qalad kuu cadayn
Halkaad qarqooran tahay
Anaa qun u sheegayee
Qiyaastaa kaa xumayd
Kaliil qorta dheer saraar
Ninka qamac reer ku furay
Inuu durdur soo qulqulo
Qalbiga kuma haynayee
Rayaalahan loo qiree
Shacbiga ka mutaystay qurux
Inuu qunyar kuugu dhigo
Malaha uma qaadatide
Inaad qabsataa wacnayd
Haddaad qudbad dheer ku tidhi
Dadkii wuu qaawan yahay
Dhaqaaluhu waa qalooc
Qabiilka la eeday iyo
Cashuurtan la qaybsadee
Xukuumadu qaadatiyo
Umuurahan wada qariban
Intaan xidida u qodo
Anaa qaab wacan u dhigi
Siduu buugaagu qoray
Nin yidhi qiil baan hayaa
Kaskii lama quudhsadee
Markii lagu yidhi qorshee
Waxay umadii qosleen
Ama dadku kaa qawaday
Sidaad u samaysay qalad
Qaniinyada ruux necebi
Shinida qiiq kuma shidee
Quruumaha meesha daga
Asoon qisadood hayn
Nin weyn hadduu qodqodo
Miyaa qudhun seegayaa
Indheer garad qaaliyaa
Maahmaah qarni tagay ku yidhi
Biyaha igu soo qulquli
Mug iyo qarqaarkooga maqan
Si aan uga helo qiyaas
Qoodhkooda horaan ogahay
Ninkani usha noo qabtow
Talaabada qaadisteed
Hadday durba tahay qalooc
Qofkii maskax lee fikiray
Markuu maankiisa qalay
Wuxuu qiimayn ku helay
Qabuur inad soo wade
Dharigu qabow kuma karee
Dadkani kugu qaylyayaa
Waxay ka qandhoonayaan
Inaad qun u fiirisaa
Qalbiga sani doorbidee
Haddii aad tahay qorqode
Kalsoonidu qooman tahay
Ilaah baa qaadiree
Inaa lagu qaabilaba
Qodh iyo xero may ahayn
Ninkani usha noo qabtow
Malaha qiiriyo xumaan
Qabiil hoosaa jiroo
Qaraabaad soo cabtee
Inay dadku kala qaxaan
Qabyaalada loo tartamo
Haddaad qalalaase rabin
Intaadu markay qancaan
Iany dadka kale qadaan
Ayaa qodobkaa ku faray
Kolay diqsi helay qandhuuf
Nijaas ku qubaysigeed
Damiirkii kama qabtee
Inaad qawleste tahay
Dad baa horay kuu qiree
Sidii dirxi qoosh ku dhacay
Qadhmuunka dhexdiisa jiif
Qalbiga sami wuxuu gartaa
Wixii qof ku waajibee
Xaq baa dadka kala qabtee
Ninkii godka weyn qodow
Quraanka adi ku nacay
Haddaad qirsan tahay furqaan
Adoo xilka qurux u helay
Qasaare lamaad gasheene
Yaqiintaadaa qaliban
Qof baanad ahayn is huba
Haddanadse qaadanayn
Garsoor iyo qiime wacan
Sidii xaqu kuu qadimay
Heshiiskeen kala qalaxan
Inaad tahay qoofil jaan
Adaa qoryihii gurtoo
Daraad subaxdii qaxoo
Inaa lagu quudhsan jiray
Waliba buugaag qoreen
Wixii qado kaaga ba’ay
Miyaad qayrkaa ku dayi
Hashaba anigaa qaloo
Qolkaygaa lagu karshee
Inaan qanjidh iyo xumays
Quluub laawoow ku tago
Aday kula qumantee
Xishood li’idaa qayaxan
Hadaanad ka qoomamayn
Sidii qashin roob ku da’ay
Anaa kaa sii qadhmuun
Habeen cadaw soo qutura
Dabaal lagu yidhi qarsoon
Qufaca hoos uma dhigee
Adaa sharaf qadecee
Dadkaaga hadaanad qalan
Qudhaada hadaanad jarin
Qoqobe adigaa xidhoo
Balaayo qalqaalsadaye
Hadaanad qorfaha dhexgalin
Qudhaanta hadaanad cunin
Dhashaada hadaanad qubin
Hadaad qowgiyo dixaha
Dhexdooda sagaal ku qadin
Wixii qarni hore ku maray
Mid soo socda qayb ka noqay
Astaamaha quruxda laa
Adiga qaan kugu lahoo
Ladaab uma qaadatide
Qureeca hadaad ka kicin
Sidaadaan ahay quduuc
Gobnimadaa qaaliyoo
Dulqaad iyo qanacsanaan
Dadnimo qani ii dhashaan
Intaan kugu qaabiloo
Adoo I qaniinayaan
Anigu qarash kuu dhigee
Qardaadum haddii ad tahay
Sax iyo qalad kala saxayn
Qiyaamuhu haba dhecee
Qalwadan ba’an maba rabee
Ma qasabaa dawladnimo
Tirada Dad ee Akhriday:501
5 Responses for “QODOXYALEY Waa Maanso Kulul oo Wakhtigani uu Curiyey Abwaanka Sare ee Reer Quljeed(Abwaan Mohamed Budin)kuna Socota Madaxa Cusub ee Somaliland”
Mashaa Alaaah Qofkasta yar iyo way Caruur iyo Ciroole Culimada diinta iyo PHD holders dhamaan reer awdal Gobaygaa budin ayaa qalbiga kaga wadajira dhaman waxaana Galiyay Abaanduulaha SNM ee halkii dowlad S.Land in uu soo magcaabo noo soo magcaabay Dowlad S . N .M ka kooban SOOMAALILANDER EE ALAHA SAHLO SIRAAYO WAXA UU KU FIKIRAY WAA YAAB IYO YAAB IYO LAMA ARAG OO LAMA MAQAL ee miyaanu lahayn xitaa Tol la taliya intaanu Qureecda ka kicin wax ka bedel yidhaah waxan aad qortay??????????????????????
abwaan maxmed osman budin intii aan maqaalo kala duwan fikirkayaga ku soo bandhigi lahayn waxaba nagaga filan oo koobsaday gabaygan aadka u qiirada badan oo runtii u tagaan dareenkeena iyo waxa ay tabayo arwaaxdayadu.
gabaygu waxa ku dhan taariikho iyo waxyeelo ninkii soo maray uu doonayo inuu bulsho nabdoon u quudho;iyo qaabkii wacnayd ee markeenii aan u soo mamaulaynay.
aad ayaan kuuu hanbalyaynayaa abwaan gabaygan qalbiga saafiga ah ka yimid.
waxa aan jeclaan lahaa in gabaygan aad soo galisaan websityada isaga oo dhagaysi ah si uu qofkastiba u xafido una fahmo, gaar ahaan abwaanka codkiisa.
allaa mahad leh
guled omer mead
dhagaysi ah
barafoo budin masha alah sxb afkaga cano lagu qabay ………………. qadabursi waa ka jiftaa dhalinyartu in ay bodhka iska jafta la raba mee dhalin yartii g/awdal xagay maren dhaqale ma hayan shaqo ma hayan away cilmigii ay baranayen halkayse u baranayen ……………………… ilahay ba jira jirina donaaaa waxan dhalin yarta reer awdal iyo g/kaba sumcadi ugu jirin marnaba tageri mayno ………….. kii ku qanacsan beroole iyo cadalad wadee sawta lagu tumanayo ……………… way oo way xumaa xumaa 8 13 sano aya naga khasartay walee wax danban naga khasarin hadii ilahay nafta noo dayo
qiyaamuhu haba dhacee
qalwadan ba’an mabarabee
ma qasabaa qarankan jaan.
waxaasaa maansaa ajar iyo xasaan illaahay hakaa siiyo.
waxaad tahay awdalyahan
waxaad tahay awdal jirre
oo budin waraabaa soo baxaye
warankana waligaa ha dhigin
oo warkaaga waligaa cadee
Mashaa Alaaah Qofkasta yar iyo way Caruur iyo Ciroole Culimada diinta iyo PHD holders dhamaan reer awdal Gobaygaa budin ayaa qalbiga kaga wadajira dhaman waxaana Galiyay Abaanduulaha SNM ee halkii dowlad S.Land in uu soo magcaabo noo soo magcaabay Dowlad S . N .M ka kooban SOOMAALILANDER EE ALAHA SAHLO SIRAAYO WAXA UU KU FIKIRAY WAA YAAB IYO YAAB IYO LAMA ARAG OO LAMA MAQAL ee miyaanu lahayn xitaa Tol la taliya intaanu Qureecda ka kicin wax ka bedel yidhaah waxan aad qortay??????????????????????
abwaan maxmed osman budin intii aan maqaalo kala duwan fikirkayaga ku soo bandhigi lahayn waxaba nagaga filan oo koobsaday gabaygan aadka u qiirada badan oo runtii u tagaan dareenkeena iyo waxa ay tabayo arwaaxdayadu.
gabaygu waxa ku dhan taariikho iyo waxyeelo ninkii soo maray uu doonayo inuu bulsho nabdoon u quudho;iyo qaabkii wacnayd ee markeenii aan u soo mamaulaynay.
aad ayaan kuuu hanbalyaynayaa abwaan gabaygan qalbiga saafiga ah ka yimid.
waxa aan jeclaan lahaa in gabaygan aad soo galisaan websityada isaga oo dhagaysi ah si uu qofkastiba u xafido una fahmo, gaar ahaan abwaanka codkiisa.
allaa mahad leh
guled omer mead
dhagaysi ah
good sxb budin ilahay hakuu siyaadiyo haybadan midakalle maanta waxan ku jirnaa dulmi dulmigaasina waxa wada reer isaaq oo labaxay somalilland haddise sidaasi soconayso anagun waxanahay awdaland calan gooniyaan leenahay