Borama: (Cnn) – Magaaladda Borama oo ah xarun Goboleedka Awdal ayaa saaka uu ka dhacey Mudaharaad balaadhan oo lagga soo horjeedo Xukuumadda Cusub ee uu ku dhawaaqey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Xukuumadaas oo Saamiggii lagga siiyey dadka Reer Awdal ay saluug weyn ka muujiyeen.
Wararku waxa ay sheegayaan in dadka mudahaarka dhigayey ay siteen Calan ka duwan calanka Somaliland sida ka muuqata sawirka calankaasi oo ah calan cusub oo labada dhinac buluug ah dhexdana cadaan ah isla markaana bil iyo xidig leh,sababta ay u qaateena lala xidhiidhiyay ahaanshaha Asaanta amba calan u gaara ah dadka reer awdal iyo salalba, waxaaney ku dhawaaqayeen erayo ay kagga soo horjeedaan xukuumadda cusub, Siddoo kale waxa ay mudaharaadayaashu bartamaha magaaladda Borama ku gubeen taayiro.
Dhinaca kale waxaa jira Boolis badan iyo ciidamo Milatariya oo loo adeegsadey dadka Mudaharaadayey kuwaasi oo rasaas ku furey dadkaasi Mudaharaadka dhigayey ma jrto cid wax ku noqotey rasaastaas.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cirro oo ay wareysi la yeelatey Laanta afsomaligga ee BBC-da ayaa sheegey in dadka mudaharaadka dhigayey ay ahaayeen caruur iyo Dumar, isla markaana ay cabasho ka muujiyeen Saamigga ay ka heleen Golaha Wasiiradda Somaliland, waxa uu qitey Gudoomiyuhu in rasaasta ay rideen Boolisku ahayd mid kor loo ridey si dadka Mudaharaadka dhigayey lagu kala kaxeeyo.
Saacadaha Soo Socda Camuudnews kala soco Muqaaladda Mudaharaadkaas.
Camuudnews Desk.
Tirada Dad ee Akhriday:468










