Xuun baa beri u yimid Shini Malab sameyneysa, Markaas buu Xuunkii Shinidii ku yidhi Waxaan kaa codsanayaa in aad i barto habka loo sameeyo Malabka, Shinidii baa Xuunkii ku tidhi oo ma waxaad iigu timid maanta in aan ku baro sidda aan Malabka u sameeyo, wuxuu yidhi Xuunkii Haa, Waxay Shinidii ku Tidhi Xuunkii waayahay ee waxaad soo qaadaa Biyo, Xuunkii baa yidhi waayahay ka dibna inta uu labadiisa baad kala furey duuley wax yar ka dibna waxa meeshii Shinidu joogtey uu keeney Biyihii ay u dirtey, Markaas bey hadana Shinidii Xuunkii ku tidhi waxaad soo gurtaa Ubax (Flowers) Halkii ay siddii markii horre oo kale ka sugeyso waayahay ayuu Xuunkii Shinidii ku yidhi iska daa immikaan gartey waxa aad Malabka Macaan aad ka sameyso dabadeedna waa duuley Xuunkii isaga oo aan dhameysan Cashiradda lagga barto habka loo sameeyo Malabka, Maalintaas ka dib Xuunkii waxaa ku dhacey Jahwareer, Jiho kasta ayuu u duuley ilaa iyo Maantana wali muu garan Habka loo sameeyo Malabka, Taas waxaa ka daran Xuunku meel kasta oo uu galo waa lagga neceb yahay, Guri buu gali waa lagga saaraa, Geed buu ku hadhso odhan waa lagga kiciyaa, Gidaar buu ku gabani waa lagga duuliyaa, Xuunkaas daal uma hadhin, waayo intaas oo dhan waa duulayaa, Xiin buu kicinayaa walina meynu arag Malab uu sameeyey.
Hadaba waxaan sheekadaas ka waddaa markii ay Bur burtey Dawladdii Dhexe ee ka talin jirtey Somalia ayaa 1991-kii Magaaladda Burco looga baaqey Waxgaradkii, Aqoonyahankii iyo indheer garadkii Reer Awdal, waxaa laggu yidhi Maanta lagga Bilaamo weynu Go,ney, markaas bey Hormuudkii Reer Awdal ee shirkaa ka qeyb galey yidhaahdeen oo ma Gooni baan isu taagney, Markaas baa laggu yidhi Haa waa siddaas ee la socda, Waxaana intaas loogu darey Dawlad la yidhaahdo Somaliland ayaan ku dhawaaqney taasna maankiina gasha, Hadaba Halkii Hormuudkii Reer Awdal ee shirkaa ka qeyb galey lagga sugayey su,aasha ah Saami qeybsigeenu siduu noqonayaa? ayey Siddii Xuunkii yidhaahdeen iska daa immikaan garaney waxa aad noogu yeedheen dabadeedna Burco ayey ka soo boqooleen iyagga oo aan sugin Qaabka loo qoondeeyey Saami qeybsigga Kuraasta Goloyaasha Somaliland, markaas bey Borama yimaadeen iyagga oo Rayn Rayn iyo Farxad foolashooda ka muuqato dabadeedna Bulshadii Reer Awdal ee Borama joogtey ayey ku war galiyeen Bishaaradda ah, Maanta lagga Bilaabo Waxa aynu ka mid nahay Maamulka Somaliland.Dunidda korkeeda intaan joogey Sheekaba Sheeko ka daran baa Duhnigeyga soo martee, sidda ay Damiirkeyga la tahay Sheekadani maanta taagan waxa weeyi Dadka Reer Awdal oo 20 Sanno la mid ah Xuunkaas aan korka kagga soo sheekeeyey, habase haatee Waxaan Taariikhda dhaxal galka ah ee aan Tolka Maanta kagga tagayaa ay tahay, Tiraabta ah: Tabaabushuhu waa Nin iyo Nasiibkii, Taashka Sharaftana adaa iska Tuuree Taaha Yareyso Tixdan Qaaligga ahna iga qabo, Balanteenuna waa Marka aad soo Barato Habka loo Sameeyo Malabka Macaan.
Inta aanad garaneyn Gobanimadu waxey tahay
Inta aanad garaneyn Gurmadkaagu wuxuu yahay
Inta aanad garaneyn Garaadkaagu halkuu yaalo
Inta aanad garaneyn Garabkaaga waxa jooga
Inta aanad garaneyn Geesta aad beri u socoto
Inta aanad garaneyn Gacmahaaga waxa ku jira
Inta aanad garaneyn Garashadaadu halkey jiifto
Inta aanad garaneyn Galdaloloyinka aad leedahay
Inta aanad garaneyn Gurcudkaad gudeyso wayadan
Inta aanad garaneyn Gayigaga gabax yidhi malmahan
Inta aanad garaneyn Garbo raarka faalka kuu baxey
Inta aanad garaneyn Girgiraha kugu shidan saaka
Inta aanad garaneyn Gucundhada ku hoos wadhan
Inta aanad garaneyn Garaa,idka birta kugu xeeran
Inta aanad garaneyn Guhaada xarago beelka ah
Inta aanad garaneyn Galeydhka iftiin sii dumaya
Inta aanad garaneyn Gardarada ku guud furan
Inta aanad garaneyn Gumaadkii laguu geystey
Inta aanad garaneyn Geerida kugu gadaaman
Inta aanad garaneyn Geedkii laguugu dhabarey
Inta aanad garaneyn Goobtii lagugu gowracey
Inta aanad garaneyn Geesiyaashii kaa baxey
Inta aanad garaneyn Guntadey dhoola tuskaa
Inta aanad garaneyn Garan waga diley sharaftaa
Inta aanad garaneyn Giigsanaanta goob dagaal
Inta aanad garaneyn Goor dambe raali la cararka
Inta aanad garaneyn Gar loo gale gube markhaati
Inta aanad garaneyn Gurmo’go hadal gudhey kaliil
Inta aanad garaneyn Gudin dhaca geed Ergo laalush
Inta aanad garaneyn Gunuunuca gefka ku xardhan
Inta aanad garaneyn Googaaleysiga xulad shidka ah
Inta aanad garaneyn Gawsahaa laxowgu garaacayo
Inta aanad garaneyn Garbo duub xadhig u xidhankaa
Inta aanad garaneyn Garsoorka jiran ee kaa sii jeeda
Inta aanad garaneyn Guddigii gar eexo gogosha laab
Inta aanad garaneyn Golayasha aad saqiirka ku tahay
Inta aanad garaneyn Galad sheega fooraha sirgaxan
Inta aanad garaneyn Garab yaal damac ugaadhsade
Inta aanad garaneyn Gafuur taaga tuurta wabarisadey
Inta aanad garaneyn Gobolada aad degto qiimahooda
Inta aanad garaneyn Gayi lagu dhaxo inaad tahay
Inta aanad garaneyn Gogol lagu gam’o inaad tahay
Inta aanad garaneyn Gashi lagu dhargo inaad tahay
Inta aanad garaneyn Gama’a haben waxa kuu diidey
Inta aanad garaneyn Gadhka dhiiga waxa kuu darey
Inta aanad garaneyn Garaadka gabaygaygu wuxuu rabo
Ayaa baanad Gadabuursow Garaneyn Guushaadu waxey Tahay.
Curiyaha Sheekadda
Abdirasaaq Hammaal
Senior Camuudnews Editer.
Tirada Dad ee Akhriday:392







Niyow anigu waxan ka yabay ahay samaroonkan ku leh xal wasiir ayaan naga maqan oo sadex wasiir ku qanacsan , hadaad wax badan og tihin xitaa sadex daa wasiir kumaynaan qancayn waayo bal eeg inta gobol ee dagto waa salal awdal gabiley , waa inaad igu yaraan hesho ayey ahayd 8 wasiir laakin nasiib danro dadkeenii ayey hankoodii yaraatay , maahmaah soomaliyed ayaa tiraah , nin aamusan habartiiba qadisay , markaas aamusnaantaa iyo damac la aantaa maanta waata xalkaas ku dhigtay , adoo samaroona wataa arab oo minoraty ah kaa wasiiro batay walaahi waa cajiib wal waxlba wan u jeegnay , laakin iima muuqato kartidii iyo raganimadii cadkeena lagu soo goosanayey laba cisho uunbaan calaacalayna ka dib waaba la iska iloobi
horta waxaan aad ugu mahad celinayaa hadalkaasi wanaagsan ee qofkii garaadka leh uu meeltaabanayo hadalkaasi uu sheegay abdi rasaaq xamaal, ilaahada waxaan kayabanahay aqoonyahanada leh aqoon baan leyahay ee reer awdal ee ilaahada ka aamusan this is not easy game sxb its serious issue inaan kudhwaaqno awdalland ma cidbaa kaa horjoogta aad ismaamusho awoodaadana aad tusto dawaladan yar ee diciifka ah ee somaliland kusheegana ah ee beerkii qadada lagu sugayay ah maan garanwaynay inaag fuck off nidhaahno sxb hadii aad aqoonleedahay oodan waxkusoo goosanayn ama cadkaad lahayd ee xaqa aad u alahayn 50% aad ugu helayn waxaad tahay yaaba iska yar. tolaayeey gadabuursaw tanina maykuu danbaysay kolayba calaancalkii haruun sheegayay uun baan bilaa bi no other way aan guul usoo dhacsado waayo taaasiba waynaga maqantahay.
dhamaantiin waan ini salaamey waxaan aad ugu mahad naqayaa wariye cabdirisak xamal oo tilmaamey halka sartu ka qudhuntey ilaahey garaad kuu siyaadi ayaan leeyahay run baad ka hadashey laakiin aawey dadkii ku cibrom qaadan lahaa dadkani halkey ka waalan yihiin uun baan idhaahdaa show waa xuun nidaamka dawladnimo ba aan fahmin Visa sAMAROON.
mukhtaar cilmi bakaal mr nadaro o ah af hayeenka jaliyada beesha samaron e ku nol wadanka south-africa o walac wayn ka mujiyay dawlada s\land iyo sida 20kursi lo qaybsaday isaga o marka hore ad ugu ididilo wayna wajiga cusub e xukumada s.land in u noqon dono
xukumad ti hore ku dawan sida u madax waynuhu aftidisa ku shegay manta se waxa ay u muqata inay tahay aftidi madax waynuhu ku dhirinayay bulshada s.land gar ahan besha samaron hal bacad lagu lisay marka ay noqotay hashi u bahwaynta s.land u logay inu yidhahdo
samaronow waxad ku ledihin madaxa iyo mijaha mase aha marnaba wax no cuntami kara hadi adse donayso jiritanka s.land in u noqdo mid taba gala 14ka kursi e ad tolka sisay marka lagu daro 2bada kursi ad ugu dhawaqday besha samar0n dhifadhibay 2 in0 dhe wayse
noqon wayday s0mali waxay tidhahda sagaro xaar muqan donay aas aaastaye tarbicaale talo xumadada hoyada ugu tali shaydanyahow balan qabe sidaa iyo by bye
maanta hadii isaq qatay madaxweyne waxay ahayd inan halkay shalay ku jireen inagu qadano oo wasirka maliyada wasiirka arimaha dibada iyo wixi wasiir macno leh an qadano lakinse ragii samaroon han yari iyo is qudhsi ayaa halkasi dhigay. anigo gabadha marnaba man qaten xayawan nimada intasi leeg iyo dulmiga intasi kursi ba la isku bedelay somaha dee shalay inagu madaxweyne ayan mesha ka ahayn inta kalena isaq ba haystay. mantana hadaynu taashki iyaga si sharafle ugu dhibnay dee dawlada inteda kale inaan qadano ayay ahayd. inay habruhu isku keen so macneeyaan oy midiba meel istagto maahay ileen shalay inagu samaroon unbaynu ahayne lama odhan rer dudub baa madaxweyne ahe anaga samaroon inta kale ahaan maxa naga galay.
WAR MESHA KA KACA WAX DHINTAAD TIHIIN
waxaan salaamayaa qoraaga maqaalkan oo ah cabdirisiq xamaal oo runtii ah qoraa aan sheekooyinkiisa aad aan u xiiseeyo sheekadan waxa aka muuqata xaalada dhabta ah ee maanta haysata qoomiyada gadabuursi waxaa loo baahan yahay kartidii aan kaga bixi lahayn dadka ree awdal waa in ay gudo iyo dibadba ka dhiidhiyaan waxaan dhacey hadii kale mid tan ka daran baa iman.
wabilaahi tawfiiq.
Waxaan Halkaan ka Salaamayaa Dhamaan Hawl-wadeenada Mareegta Camuudnews.com Gaadh-ahaan Mudane Abwaan, Qoraa, iyo Suugaanyahan C/risaaq Xamaal iyo Inta Fakarkooda ka Dhiibtay Masiibada u Tisqaaday Qoomiyada Gadabuursi Mudo ku Siman 100 Sano: Ninbaa Laga Hayaa ( MAALINTAAN ADUUN HAYAY TALO MAAN HAYN MAANTOON TALO HAYANA ADUUN MAHAYO ) Hadaan Fikirkayga Ka Dhiibto Xaajadan Waxaan Qabaa Waxaa Halkaa Ina Dhigay Dhowr Arimood”
1= Gadabuursiga Waxaa Dul Heehaabaya Daruur Xambaadhsan Nabsi iyo Hiirtaanyo uu Isaga Gudihiisa Kala Tirsanayo, Taariiqda Kolkay Ahayd 1765-kii, 1884-kii, 1911-kii, 1959-kii Waxaa Jira Dad Intaasi oo Fac Ku Dhex Dulmanaa Magaca Gadabuursi Ilaa Arintaasi La Saxona Xalka Waa uu Inaga Fogyahay:
2= Gadabuursi waxaa Soomaray Tan iyo Maalinkii lagu Dhawaaqay Shirqoolkii Labaxay Heshiiskii Beelaha ee Magaalada Boorama Taariiq Aad u Xanuun Badan Taasoo ay ku Xardhantahay Gunimo ay iska Dhaxli Doonaan Jiilalka ku Abtirsada Magaca Gadabuursi ( CALI MADALUUG ) Wixii Shirkaa Ka Horeeyay Qoomiyadu Waxay u muuqatay Ruux ay Macaluuli Hayso oo Dharaar-Waliba Xubnaha Jidhkiisu uu Amaah Kala Qaato. Qoomiyada Gadabuursi Looma Xoog Sheegan Balse Waa Laga Aqli Badshay iyaga iyo Beelaha Hartiba, oo Waxaa Loo Hayay Cadaawad ka Dhalatay Dagaalkii iyo Amar Diidadii ay Kala Horyimaadeen ( INGIRIIS CARO ) Dowladii Isticmaarka ee Britishaka: Mar Labaadna Waxaa La Dumiyay Dowladii AY Ka Tirsanaayeen, Waxaan Qodobkaan ku soo gunaanadayaa Gadabuursi Odey Doora leh Ayaa Loogu Dow-galay”
Waxa Jira Qodobo KA Kooban ilaa 55 Qodob Kuwaasoo Loo Cuskan Karayo Waxyeelada Qoomiyada Gadabuursi Dib ayaanu ka Soo Sheegi Doonaa Haduu Alle Yidhaahdo ee Waxaan Deeyahay dadka Hada Soo Himbiriirsaday Adeer ( SHALAY BAAD DHALATAY EE WAA LA SHUBI JIDHAY ) Waadmahadsantihiin
hadii aad qaadataan reer awdal iyo salaalow hadii aad qaadataan maanta arintaa waligiinba wax walba waala i idin maray jiray ee tana hala i ni marsiiyo hadaad aqbashaan wax idinka liita lamaba arkayo waan ka xunahay intayadii qurbaha joogtay intadalkana ficil ayaa looga baahan yahay
hotra waxan hanbalyo siinayaa aan cidi lawadagin wiilka jamacig ah iyo dhanbaalka cajiibka ah ee usoo diray ee runtii nin walba oo samaroona dhhiggisa kicnyasaa kuwaxqanban karra iyo kukaleba ana inkastoon ahay wiil dayar oo secondry ah waxan marwalba diyaar u ahay dhalintayda iyo qaxgaradkaygu waliba ardayda jamacada awdal borama inaan lawadago dhibatada haysata waanan wadaynaa mudahayo ilaa inta aan 8wasir helayno waa sida uu hadalka udhigaty sxbkay haaruuune
sxb abdirisaaq aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay xalkaas kaga wad sxb si fiican eed u qaadi dhigaysid mahadsanid